Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Washington Post: Xad-gudubyada bustaha ka hooseeye ee Ciidanka Kenya ka geystaan Soomaaliya+Warbixin
    Somalia

    Washington Post: Xad-gudubyada bustaha ka hooseeye ee Ciidanka Kenya ka geystaan Soomaaliya+Warbixin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixin dheer oo kasoo baxday hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa militryga ay xad gudubyo xad dhaaf ah u geystaan dadka Soomaaliyeed ee degan magaalooyinka ku yaala xaduuda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

    Warbixintaan oo aad u dheer laguna qoray wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay inay xad dhaaftay dambiyada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee ay u geystaan ciidanka Kenya dadka Soomaaliyeed marka Al-Shabab weerar geysto.

    Hay’adda Human Rights Watch waxay warbixntaan ku sheegtay inay diwaan galisay in ka badan 88 kiis oo ay ciidamada Kenya geysteen.

    Meesha ay warbixintaan sida gaarka ah u dul istaagtay waa tuulo la yiraahdo oo ka tirsan ismaamulka Mandheera.

    Tuuladaan dadka ku nool waxay ku joogto u yihiin cabsi ay qabanaan ciidamada militryga Kenya ee KDF loo yaqaan kuwaasoo dila xira jir dilna u geysta dadka magaalada marka la weeraro ayagoo jidka maraya.

    Magaaladaan ceelashii biyaha waa laga xabaalay waxaana ay u doontaan meelo fog fog waxaana dhibaatadaas u geystay ciidamada Kenya.

    Mar kasta oo ay maqlaan in ciidamada gaadiidkoodu kusoo dhaw yihiin waxaa laga baxaa magaalada habeenkiina si dareen leh ayaa lagu joogaa sida ay sheegeen dadka degan.

    In ka badan inta ay ka qabaan Al-Shabab ayay naftooda kala baqaan ciidamada Kenya dadka Soomaaliyeed ee xaduuda degan ayaa lagu yiri warbixintaan lagu daabacay wargeyska The Washington Post ee Maraykanka kasoo baxa.

    Warbixintaan waxaa lagu sheegay in 8 sanno ee ay ciidamada Kenya ku sugan yihiin Soomaaliya inay aad u bartilmaameysteen dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan markii ciidamadu la kulmeen weeraro Al-Shabab kaga yimiid.

    Ciise Axmed waxaa uu ka yimid yahay dadka degan tuuladda Ceel Kutulo la yiraahdo waxaana uu u sheegay guddiga warbixintaan diyaarshay in cabsi darteed ay qoteen godad ay ku dhuuntaan.

    “Waan cararnaa oo dhuumanaa mar kasta oo aan helno war sheegaya in ciidamadu soo socdaan” ayuu yiri Ciise.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.