Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir Abgaal “Shaqaale lunsaday Lacag baan Dacwad ka gudbinay”
    Somalia

    Wasiir Abgaal “Shaqaale lunsaday Lacag baan Dacwad ka gudbinay”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 17, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xassan Shire Abgaal, ayaa shaaciyay in markii u horraysay Maxkamad lagu soo oogay Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo musuq maasuq ku eedaysan.

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in la qabtay ,dabadeedna dacwad Maxkmadeed lagu oogay, shaqaaale ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda oo lacago dhunsaday.

    Wasiir Abgaal ayaa sheegay in shaqaalaha dacwadda lagu oogay uu  kamid yahay Madaxii Canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Qandala ee Gobalka Bari oo ku eedaysan in uu lunsaday lacag dhan $52,000 oo Dollar.

    Sidoo kale, Shaqaalaha Dacwada lagu soo oogay waxaa ku jira Madaxii Canshuuraha berriga ee Degmada Carmo oo ku eedaysan, in uu samaystay dukumintiyo been-abuura, si uu lacago ugu qaato.

    Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa sheegay in Shaqaalahan Dacwadda laga gudbiyay oo aan magacyadooda la xusin, ay Maxkamadu xannibtay hantidoodii shakhsiga ahayd, waxaana dacwadda lagu oogay hor taalla Maxkamadda oo goโ€™aan ka gaari doonta.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.