Wargeyska Washington Post oo maqaal dheer ka qoray sida uu ururka Al-Shabaab ku helo dhaqaalaha, ayaa ku tilmaamay inay si toos ah u helaan canshuuro ay ka qaadaan ganacsatada dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan awood u laheyn inay joojiso dhaqaalaha Kooxda Al-Shabaab ay ka sameyso gudaha Soomaaliya, kaas oo intiisa badan ay Al-Shabaab ka qaado Ganacsatada.
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka C/raxmaan Ducaale Beyle oo wareysi siinayay Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in Soomaaliya ay xaalad cabsi leh ay ku jirto, uuna ururka Al-Shabaab dhibaato uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa qiray in dowlada federalka waxba ka qaban weysay halista Al-Shabaab.
“Dowladu ma lahan awood weyn oo ay ugaga hortago Al-Shabaab inay ganacsatada lacago canshuur ah ka qaataan, dadka u ururiya canshuurta Al-Shabaabna magaalada ayay si xor ah isaga dhex maraan.”ayuu yiri Wasiir Beyle oo ka hadlayay canshuuraha ay ganacsatada Muqdisho siiyaan ururka Al-Shabaab.
Wasiirka Maaliyada Dowlada Federalka ayaa intaas ku daray “Mashaakilku waa hal arrin oo kaliya,Al-Shabaab waa Soomaali aniga oo kale ama dadka oo dhan,waan isku muuqaal eg nahay,meel walbana waa joogaan oo way nagu dhex jiraan.”ayuu yiri Wasiir Beyle.