Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir Beyle oo lunsaday 1 Malyan oo Dollar iyo Cadeymo muujinaya (Warbixin)
    Somalia

    Wasiir Beyle oo lunsaday 1 Malyan oo Dollar iyo Cadeymo muujinaya (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 1, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaale Beyle, ayaa lunsaday lacag gaareysa Hal Milyan oo dollar, taas oo qorshuhu ahaa inay ku dhacdo Khasnada Dowladda, sida ay muujinayaan cadeymo ay heshay Warbaahintu.

    Lacagtan uu lunsaday Wasiir Beyle, ayaa u badan lacag gaareysa $987,500, taas oo Dowladda Mareykanku ugu deeqday Soomaaliya, looguna tala-galay Dhismaha Hayโ€™adaha Dowliga ah.

    Lacagtan oo la soo marsiiyay Hayโ€™ad lagu Magacaabi IDLO, qeybteeda Soomaaliya ayaa waxaa heshiis hoose ku gaaray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Beyle iyo Maamulaha Hayโ€™adda oo lagu Magacaabo Siciid Shire, kuwaas wada-lunsaday.

    Dhanka kale, Wasiirka maaliyadda ayaa sanadkii tagey ee 2018 waxaa uu warqado lacag looga Dalbanayo u direy 10 Xawaaladood iyo Laba Bangi, kuwaas oo lagu amrey in si degdeg ah lacagahaas u bixiyaan.

    July-11-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda TAWAKAL waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $44,000,00 oo laga soo bilaabayo 1-da November 2017 illaa 1-da- August-2018.

    July-11-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda Global waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $26,400,00 oo laga soo bilaabayo 1-da November-2017 illaa 1-da August-2018.

    July-11-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda KAAH waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $44,000,00 oo laga soo bilaabayo 1-da -November -2017 illaa 1-da August-2018.

    July-10-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda DAHABSHIIL waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $176,000,00 oo laga soo bilaabayo 1-da-November-2017 illaa 1-da August-2018.

    July-10-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda AMAL waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $132,000,00 oo laga soo bilaabayo 1-da November 2017 illaa 1-da August-2018.

    July-10-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda IFTIN waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $26,400,00 oo laga soo bilaabayo 1-da Noverber 2017 illaa 1-da August-2018.

    July-10-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda BAKAAL waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $26,400,00 oo laga soo bilaabayo 1-da November 2017 illaa 1-da August-2018.

    July-11-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda JUBBA/ Premier Bank waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $88,000,00 oo laga soo bilaabayo 1-da November 2017 illaa 1-da August-2018.

    July-10-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda AMAANA waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $26,400,00 oo laga soo bilaabayo 1-da November 2017 illaa 1-da August-2018.

    July-11-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda Salaam Bank/Taaj waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $176,000 oo laga soo bilaabayo 1-da November 2017 illaa 1-da August-2018.

    Cadeymo la helay ayaa muujinaya in dhamaan lacagaha laga qaaday Xawaaladahan iyo Bankiyada in aysan ku dhicin khasnada Dowladda, balse ay ku dhaceen Akoonada gaarka ah ee wasiirka Maaliyadda oo dano-gaar ah ku fushaday.

    Lunsashada lacagtan ayaa la sheegay inay wax ka og-yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Raโ€™iisulwasaare Kheyre, kuwaas oo si saami ah ukala goostay dhaqaalahan, sida ay sheegeen shaqaale ku dhow Wasiirka, waxaana isa soo taraya fashilada iyo Musuq-maasuqa baahsan eek a jira Xukuumadda Federaalka.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.