Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir Cawad oo qaabilay Safiirka Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya+Sawirro
    Somalia

    Wasiir Cawad oo qaabilay Safiirka Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u qaabilsan Soomaaliya Dr. Maxamed Cabdulqani Khayaad oo saldhigiisu yahay magaalada Nairobi.

    Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo qadiyadaha labada dal ay wadaagaan.

    Sidoo kale intii uu socday kulanka ayaa waxay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa iskaashi adag oo wax ku ool ah ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo horumarinta dhaqaalaha.

    Waxaa kaloo kulanka diiradda lagu saaray ka wada hadalka dhowr arrimood oo quseeya Soomaaliya iyo Sacuudiga xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

    Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa weli soo aqbalin Safiirka Soomaaliya ee dalkaas loo magacaabay C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir, kaasoo dhamaadkii bishii May uu wareegto ku magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

    Muddo Sanad iyo bilo ayay Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga tahay Safiir la’aan, tan iyo markii Safiirkii hore Daahir Maxamuud Geelle loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya sanadkii 2018, inkastoo sanad kaddib uu iska casilay xilkaas, waxaana Amb. Daahir Geelle uu ahaa Safiirkii u horeeyay ee Sacuudiga soo aqbala burburkii dowladdii dhexe kaddib.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.