Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir Cawad oo qaabilay Safiirka Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya+Sawirro
    Somalia

    Wasiir Cawad oo qaabilay Safiirka Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u qaabilsan Soomaaliya Dr. Maxamed Cabdulqani Khayaad oo saldhigiisu yahay magaalada Nairobi.

    Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo qadiyadaha labada dal ay wadaagaan.

    Sidoo kale intii uu socday kulanka ayaa waxay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa iskaashi adag oo wax ku ool ah ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo horumarinta dhaqaalaha.

    Waxaa kaloo kulanka diiradda lagu saaray ka wada hadalka dhowr arrimood oo quseeya Soomaaliya iyo Sacuudiga xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

    Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa weli soo aqbalin Safiirka Soomaaliya ee dalkaas loo magacaabay C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir, kaasoo dhamaadkii bishii May uu wareegto ku magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

    Muddo Sanad iyo bilo ayay Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga tahay Safiir laโ€™aan, tan iyo markii Safiirkii hore Daahir Maxamuud Geelle loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya sanadkii 2018, inkastoo sanad kaddib uu iska casilay xilkaas, waxaana Amb. Daahir Geelle uu ahaa Safiirkii u horeeyay ee Sacuudiga soo aqbala burburkii dowladdii dhexe kaddib.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.