Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir Dhuubow: Xujayda & Shirkadaha diyaaradaha waxay lacagahooda marsiin doonaan Bangiyada
    Somalia

    Wasiir Dhuubow: Xujayda & Shirkadaha diyaaradaha waxay lacagahooda marsiin doonaan Bangiyada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 17, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiir ku xigeenka WasaaraddaAwqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliya Md. Cusmaan Aadan Dhuuboow  ayaa sheegay in Qorshaha Xajka ee sanadkaan uu  ka badalnaan doono kii sanadkii aan soo dhaafnay, iyadoo aan ka faaโ€™idaysanayno wax badan oo horay u dhacay,waxaana sanadkii la soo dhaafay, wasaaradda Awqaafta iyo guddiga qabanqaabada Xajka ay dhaqangaliyeen        isbadadallo muuqda oo lataaban karo.

    Mudane Dhuuboow oo  faahfaahinayay isbadallada  dhinaca Xajka ee sanadkaan la gaaray ayaa yiri, โ€œHorumarada Sanadkaan aan taabba galinay waxaa ka midah xujayda safaradooda, deegaanada ay degi doonaan xujayda oo ahayd meelo masaaafo ahaan ka fog xaramka waxaan hadda fududaynay inaan u  diyaarinay deegaanno Xaramka u dhowโ€

    Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo arimaha diinta wuxuu tilmaamay in habraaca dhinaca Socdaalka xujayda uu soo maray  heerar kala duwan,xilliggii hore waxay ku koobnayd labada shirkadood ee Daalo iyo Jubba, sanadkii dhawaa waxaa ku soo biiray 3da shirkadood ee Ocean, Afrika iyo Freedom, sanadkaana waxaa xujayda u adeegi doona 11 shirkado diyaaradeed.

    Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay. waxaana kor loo qaaday lana fuudeeyay Socdaalka martida Alle  ugu baqoolayaan Goobaha barakaysan

    Md.Dhuuboow mar uu ka hadlay adeegyada muhiimka ee wasaaradda  Awqaafta iyo arimaha diinta u qabatay xujayda wuxuu tilmaamay in xafiiska wasaarada lagu daabici doono viisaha taasi oo uu sheegay inay dabooli doonto in dalka dibadiisa loo qaado baasabroorada xujeyda soomaaliyeed.

    Sidoo kale mudane Dhuuboow wuxuu sheegay intirada xujayda Soomaaliyeed ka xajinaya gudaha dalka in ay sanadkaan gaarayaan Kow iyo toban kun iyo shan boqol oo xaaji,(11500) kuwaasi oo dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda diinta iyo Awqaafta u diyaarisay adeegyada muhiimka ah ay u baahan yihiin

    Wasiirku xigeenka Awqaafta iyo arimaha diinta wuxuu hoosta ka xariiqay in sanadkan shirkadaha diyaaradaha iyo xujaydaba ay lacagahooda marsiin doonaan nidaamka Bangiyada,arintaasi wax wayn ka badali doona dhibaatooyinkii jiray, islamarkaana lacagihii gacanta lagu qaadi jiray ay mari doonaan nidaam Bangi

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.