Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirada Caafimaadka oo loo kala wareejiyay xilalkii
    Somalia

    Wasiirada Caafimaadka oo loo kala wareejiyay xilalkii

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 13, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 13 March 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda xilwareejinta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Jaamac Faarax Xasan, oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeennadii iyo Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

    Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Jaamac Faarax Xasan, ayaa ka warbixiyey Shaqooyinka Wasaaradda u qabsoomay 5-sano ee lasoo dhaafay, sida ay u maaraysay xaaladihii caafimaad ee Adduunka ka dhacay sida COVID-19 iyo cudurada kale adduunku wajahay, oo marwalba Wasaaraddu ay dadaal ku bixinaysay la helo qalabka baaritaanada casriga, tallaalka iyo daaweynta in lagu wada gaarsiiyo dadweynaha meelkastay joogaan.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay shaqadii wanaagsaneyd ee Wasiirkii hore iyo masuuliyiinta kale ee caafimaadku qabteen, wuxuuna Kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka inuu halkaasi hore ugasii wado Wasaaradda si loo fulliyo qorshaha dhow iyo kan fog ee Horumarinta Caafimaadka Puntland.

    Munaasabadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Musuuliyiinta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Masuuliyiintii hore ee Wasaaradda, Guddiga xilwareejinta Golaha Wasiirada, Agaasimeyaasha iyo Shaqaalaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

    -DHAMMAAD-
    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU -XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.