Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirka amniga”Ciidamada Milatariga ah iyo Hubkooda waa weyn masoo geli karaan gudaha Muqdisho”
    Somalia

    Wasiirka amniga”Ciidamada Milatariga ah iyo Hubkooda waa weyn masoo geli karaan gudaha Muqdisho”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 26, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumada fadaraalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la dhaqan galin doono markan go’aano ay horey usoo saareen golaha Wasiirada Somalia oo caasimada looga mamnuucayay Ciidamada Milatariga iyo hubka waa weyn.
     
    Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Milatariga ee ku sugan labada Shabelle aysan Muqdisho soo gali karin iyaga oon fasax ka heysan taliyahooda.
     
    Waxa uu sheegay Wasiirka in magaalada Muqdisho gudaheeda mamnuuc ka tahay hubka waa weyn sida qoryaha tiknikada iyo Dabajeexa, waxa uuna tilmaamay in la dhaqan galinayo go’aanadii ay horey usoo saareen golaha Wasiirada.
     
    ”Muqdisho masoo gali karaan ciidamada Milatatiga ee jooga labada Shabelle iyaga oon fasax ogolaansho ah ka heysan taliyahooda, waxaa sidoo kale magaalada ka mamnuuc ah in lagu dhax wato hubka waa weyn” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.
     
    Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili habeenkii Jimcaha dabley hubeesan oo xirnaa dareeska ciidanka dowlada weeraro isigu jiray is qarxin iyo mid toos ah ka geesteen magaalada Muqdisho.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.