Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo gaaray Buuhoodle+Sawirro
    Somalia

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo gaaray Buuhoodle+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wefti Balaaran oo Uu Hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabamcad ayaa gaaray Magaalada Buuhoodle Ee Xarunta Gobolka Cayn.

    Ujeedka weftiga uu Hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradd Arrimaha Gudaha ayaa ah u kuurgalida xaalada nolosha ee Gobolla Cayn iyo Dhismaha Golaha Deegaanka ee Degmada.

    Weftiga Wasiir Dhabancad ayaa markii uu gaaray degmada Buuhoodle waxaa meel magaalada ka baxsan kusoo dhaweyey shacabka ku dhaqan magaalada sidoo kale waxaa wasiirka soo dhawayntiisa ka qayb Qaatay Gudoomiyaha Gobolka cayn maamulka degmada iyo masuuliyiinka tirsan golaha wasiirada Dowlada Puntland oo Maalmahan Ku Sugna Magalaada Buuhoodle, Wasiirka ayaa salaan sharaf ka Qaatay Cutubyo ka Tirsan Ciidamada Difaaca Puntland e gobolka cayn.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Maxamed C/rixmaan Dhabancad, oo saxaafada kula hadlay bartamaha Buuhoodle ayaa ka warbixiyey safarkiisa, waxaana uu sheegay inuu kulamo kala duwan la qaadanayo qaybaha kala duwan ee bulshada Buuhoodle.

    Weftiga uu hogaaminaayo Wasiirku ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Haweenk. agaasimaha Waaxda Dimuquradiyeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madax kale.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.