Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirka Ganacsiga oo ka hadlay muhiimada uu lee yahay sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya (VIDEO)
    Somalia

    Wasiirka Ganacsiga oo ka hadlay muhiimada uu lee yahay sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 30, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj, Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa faah-faahin ka bixiyay sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya, isagoo caddeeyey ahmiyadda uu sharcigani u leeyahay Dalka.

    Inj; Cabdullaahi Cali Xasan oo ka hadlayay fadhigii uu shalay yeeshay Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa carabka ku dhuftay in hay’adda tayo-dhowrka ee sharcigani dhisaya ay mas’uul ka noqon doonto ilaalinta tayada waxyaabaha Dalka soo galaaya, waxa la dhoofiyo iyo weli ba waxyaabaha kale ee lagu isticmaalo Dalka gudahiisa.

    Wasiirka ayaa xusay in uu sharcigani fududeyn doono dhoofinta ganacsiga oo uu sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay wakhtiyaddii hore dhib ku qabeen jiritaan la’aanta hay’addan tayo-dhowrista.

    Wasiirka, ayaa Xildhibbaanada Aqalka sare ka codsaday in ay ansaxiyaan sharcigan maadaama uu ahmiyad weyn u lee yahay Qaranka, iyada oo ansaxinta ka dibna loo gudbin doono Madaxweynaha Qaranka Md; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxeexi doona.

    Sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya, ayaa ah mi ay muddo dheer ka soo shaqeynaysay Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha JFS, waxaana uu soo maray dhammaan marxaladihii iyo latashiyadii loo baahnaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.