Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed oo howlo shaqo u jooga Gobolka Mudug ayaa kormeer ku tagay Dugsiyada kala ah Xannaanada Carruurta Aayatiin, Xaaji Cali biixi iyo Qaran Agoonta.
Wasiirka ayaa kulan la qaatey maamulka Dugsiyadaas isagoo ka dhagaystay warbixin la xiriirta xaaladdaha Waxbarashada iyo ardayda.
Kulanka waxaa goobjoog ku ahaa Guddoonka Wabarashada Gobolka Mudug iyo masuuliyiin kale.