Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirka Waxbarashada XF Soomaaliya oo la kulmay Wasiirada Waxbarashada DG (Sawirro)
    Somalia

    Wasiirka Waxbarashada XF Soomaaliya oo la kulmay Wasiirada Waxbarashada DG (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 5, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wasiiradaย  waxbarashadaย  maamul gobaleedyada jubbaland Koonfur galbeed Galmudug iyo Hirshabeelle.

    Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda Feysal Cumar Guuleed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf.

    Arrimaha kulankan diirada lagu saaray ayaa waxaa ka mid ah horumarinta waxbarashada dalka, xoojinta xariirka ka dhaxeya wasaaradda waxbarashada iyo wasaaraddaha dowlad gobaleedyada.

    Wasiirada maamul Gobaleedyada jubbaland Koonfur galbeed Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa soo dhaweyay horumarinta waxbarashada dalka iyo in leeska kaashto si caruurta Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho dhameystiran.

    Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa sheegay in  kulanka ay diirada ku saareen manhajka, siyaasadda iyo sharciga Waxbarashada,dhismaha xarumaha  iyo tababarka macalimiinta.

    Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.