Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland oo Maanta Loo Dhaariyey Xilkaasi.
    Somalia

    Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland oo Maanta Loo Dhaariyey Xilkaasi.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 17, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 17 June 2017 loo dhaariyey xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland Cadirashiid Cali Geelle oo dhowaan uu Madaxweynaha Dawladda Puntland u magcaabay xilkaasi.

    Munaasimada Dhaarinta Wasiiru Dawlaha oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa goob joog  ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,  xibin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Garoowe.

    Dhaarinta Wasiiru Dowlaha kadib ayaa waxaa Madaxwynaha Dawladda Puntland uu Xasuusiyey Wasiiru Dawlaha in xilkaasi loogu gartay aqoon tiisa iyo khibaradiisa waaya aragnimo, loona baahan yahay in uu si daacad ah uu ugu adeego dalkiisa iyo dadkiiisa,

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ku booriyey inuu fiira gaara u lahaado kala socodsiinta arrimaha shaqo ee  xafiiskiisa, kaasi oo dalka wax badan katari kara marka la dardar geliyo.

    Ugu Danbayn madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha Wasaadda Amniga Puntland  in uu had iyo jeer maankiisa ku hayo in Puntland heegan ku tahay ka sifaynta dhulkeeda cadawga nabad diid ka ah ee ku dhuumaalaysanaya dhulkeeda, isla markaana uu xafiis kiisu markasta heegan ugu jiro arrimaha iska caabinta cadawga tamarta yar ee majara habaabsan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.