Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wax badan ka fahan heshiiska kor loogu qaadayo xiriirka Sacuudiga iyo Srael
    Somalia

    Wax badan ka fahan heshiiska kor loogu qaadayo xiriirka Sacuudiga iyo Srael

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 5, 2023Updated:October 5, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Labaatan Senator oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa Arbacadii taageeray heshiis suurta-gal ah oo ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudi Carabiya, balse walaac ka muujiyey damaanad qaad amni oo kasta ama taageero nukliyeer oo la siiyo Riyadh.

    Warqad ay u direen madaxweyne Joe Biden, ayey Senator-ada hoosta uga xariiqeen iska caabinta uu Aqalka Cad kala kulmi karo Congress-ka haddii maamulka uu dhex-dhexaadiyo heshiis ay xiriir diblomaasi ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudiga, taasi oo lagu beddelanayo in Washington ay kasoo baxdo dalabyada Riyadh.

    Wada-hadallada ku saabsan xiriirkan ayaa horumar sameynaya, hase yeeshee saraakiisha Mareykanka ayaa taxaddar ka muujinaya in weli ay shaqo badan harsan tahay.

    Waxyaabaha ay soo jeedinayaan xubnaha Dimoqraadiga ayaa ka mid ah in heshiis kasta ay ku jiraan qodobo “macno leh” si loo ilaaliyo ikhtiyaarka xal laba dawladood ah oo loo helo khilaafka Israel iyo Falastiin.

    Dowladda midigta-fog ee Israel ayaa la filayaa inay iska caabiso tanaasul kasta oo weyn oo la siiyo Falastiiniyiinta.

    “Nabadda Israel iyo deriskeeda waxay ahayd hadafka fog ee siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka, waxaana u furannahay heshiis kasta oo suurtagal ah inuu dheereeyo xiriir siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale oo dhex-mara Sacuudi Carabiya iyo Israel,” ayay qoreen Senator-ada.

    Balse waxa ay sheegeen in ay saluugsan yihiin waxa Sucuudigu doonayo.

    Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ka go’an in ay xaqiijiso heshiis militari oo dhigaya in Mareykanka uu difaaco Boqortooyada taasi oo ay dhaafsaneyso xiriirka Israel, umana joojin doonto heshiiska xitaa haddii Israel aysan bixin tanaasulaad weyn oo la xiriira dhanka Falastiiniyiinta, sida ay Reuters u sheegeen saddex ilo-wareed amni oo ku sugan gobolka.

    “Caddayn heer sare ah ayaa loo baahan doonaa si loo muujiyo in heshiis difaac ah oo adag oo lala galo Sacuudi Carabiya – oo ah nidaam kaligii-talis ah oo si joogto ah u wiiqa danaha Maraykanka ee gobolka, leh diiwaan laga walaaco oo xuquuqda aadanaha ah, islamarkaana raadiyey ajande siyaasadeed qallafsan oo aan taxadar lahayn – uu la jaan qaadi karo danaha Maraykanka,” ayaa lagu yiri warqadda.

    Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa labadaba horey ugu dhalleeceeyey Riyadh faro-gelinteeda Yemen, sare u qaadista qiimaha saliidda iyo kaalintii ay ku laheyd dilkii weriye Jamaal Khaashuqji.

    Warqadda ayaa sidoo kale walaac ka muujisay codsiga Sacuudi Carabiya ee ah in laga caawiyo nukliyeer madani ah iyo inay hesho hub horumarsan.

    Waxay tiri, waa in Mareykanka uu hubiyaa in Sacuudiga ilaaliyo Qaybta 123 ee Xeerka Tamarta Atoomikada ee Maraykanka, si loo sameeyo heshiis iskaashi nukliyeer nabad ah.

    Aqalka Cad ayaan weli ka jawaabin warqadda kasoo baxday Senator-ada.

    Xubnaha warqadda qoray waxaa ku jira Senator Chris Murphy, oo hoggaamiye guddi hoosaadka Bariga Dhexe ee Senate-ka, Dick Durbin oo ah Senator-ka labaad ee ugu sarreeya Dimoqraadiga, Chris Van Hollen iyo Peter Welch.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.