Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waxqabadka Afarta sano Ee Xukuumada Madaxweyne Deni oo lasoo bandhigay
    Somalia

    Waxqabadka Afarta sano Ee Xukuumada Madaxweyne Deni oo lasoo bandhigay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 26, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso: 26 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda Bandhiga Warxqabadka Dowladda 4-ta sano iyo Qorshaha Dowladda ee sanadka 2023 oo lagu qabtay magaalada Boosaaso.

    Munaasabadda oo ay wadajir ugasoo shaqeeyeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Madaxtooyada, ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka Dowladda Puntland 4-sano ee lasoo dhaafay oo lagu soo gudbiyey Qoraal iyo Maqal iyo Muuqaal, Iyadoo Sidoo kale lasoo bandhigay Qorshaha Dowladda iyo waxyaabaha hortebinta u leh sanadka 2023.

    Waxaa bandhiga udub dhexaad u ahaa sida Madaxweynuhu uga dhabeeyay balan qaadkiisii xiliga Ololaha, oo ay meel sare uga jireen Amniga, Dhismaha Ciidanka, Isbedel Siyaasadeed iyo Dimuqraadiyadda, Hufnaanta Maaliyadda , Dhismaha Wadooyinka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa la wadaagay Bulshada Gobolka Bari, in waxa lasoo bandhigay ee la qabtay ku yimaadeen dadaal Dowladnimo iyo ku dhiirasho Iyadoo Dalka ay ka jireen duruufo kala duwan, Sidaasi darteedna si meeshan meel kasii wanaagsan loo gaarona loo baahanyahay in lasii xoojiyo doorka Bulshada ee ka qeyb qaadashada Dowladnimada.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.