Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waxqabadka Afarta sano Ee Xukuumada Madaxweyne Deni oo lasoo bandhigay
    Somalia

    Waxqabadka Afarta sano Ee Xukuumada Madaxweyne Deni oo lasoo bandhigay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 26, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso: 26 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda Bandhiga Warxqabadka Dowladda 4-ta sano iyo Qorshaha Dowladda ee sanadka 2023 oo lagu qabtay magaalada Boosaaso.

    Munaasabadda oo ay wadajir ugasoo shaqeeyeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Madaxtooyada, ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka Dowladda Puntland 4-sano ee lasoo dhaafay oo lagu soo gudbiyey Qoraal iyo Maqal iyo Muuqaal, Iyadoo Sidoo kale lasoo bandhigay Qorshaha Dowladda iyo waxyaabaha hortebinta u leh sanadka 2023.

    Waxaa bandhiga udub dhexaad u ahaa sida Madaxweynuhu uga dhabeeyay balan qaadkiisii xiliga Ololaha, oo ay meel sare uga jireen Amniga, Dhismaha Ciidanka, Isbedel Siyaasadeed iyo Dimuqraadiyadda, Hufnaanta Maaliyadda , Dhismaha Wadooyinka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa la wadaagay Bulshada Gobolka Bari, in waxa lasoo bandhigay ee la qabtay ku yimaadeen dadaal Dowladnimo iyo ku dhiirasho Iyadoo Dalka ay ka jireen duruufo kala duwan, Sidaasi darteedna si meeshan meel kasii wanaagsan loo gaarona loo baahanyahay in lasii xoojiyo doorka Bulshada ee ka qeyb qaadashada Dowladnimada.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.