Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Weerar Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay Haifa Israa’iil
    Somalia

    Weerar Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay Haifa Israa’iil

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 3, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hal qof iyo eedeysanaha weerarka geystay ayaa dhintay kadib weerar mindi loo adeegsaday oo Isniinta maanta ah ka dhacay magaalada Haifa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Waa weerarkii ugu horreeyay ee dhimasho sababa ee ka dhaca Israa’iil tan iyo markii xabbad-joojinta Gaza la bilaabay bishii Janaayo.

    Weerarkan wuxuu dhacay maalin kadib markii Israa’iil ay xannibtay gargaarkii la geyn lahaa Marinka Gaza, xilli la isku maandhaafsanaa kordhinta heshiiska xabbad-joojinta ee dhulka Falastiiniyiinta.

    Wajigii koowaad ee xabbad-joojinta, oo socday lix toddobaad, ayaa dhammaaday dhamaadkii toddobaadkan. Heshiiskaas wuxuu suurageliyay in gargaar muhiim ah—cunto, hoy, iyo adeegyo caafimaad—la gaarsiiyo Gaza.

    Go’aanka Israa’iil ee hakinta gargaarka ayaa keenay in Qaramada Midoobay ay ugu baaqdo Israa’iil inay si degdeg ah u soo celiso gargaarka.

    Weerarkii Isniinta ayaa ka dhacay xarunta baska iyo tareenka ee Haifa, magaalo xeebeed weyn oo ku taalla waqooyiga Israa’iil, halkaas oo ay ku wada nool yihiin Yuhuud iyo Carab.

    Hay’adda gurmadka degdegga ah ee Israa’iil, Magen David Adom, ayaa sheegtay in nin da’diisu ku dhowdahay 70 sano uu ku dhintay weerarka, halka afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

    Booliska Israa’iil waxay weerarka ku sifeeyeen inuu ahaa “fal argagixiso,” iyagoo sheegay in dambiilihii la dilay. Waxay sidoo kale shaaciyeen in ninka weerarka fuliyay uu ka tirsanaa beesha Druze ee Carabta Israa’iil.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.