Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Weeraro culus oo lagu qaaday Saldhigyada Al-Shabaab ee J/Hoose.
    Somalia

    Weeraro culus oo lagu qaaday Saldhigyada Al-Shabaab ee J/Hoose.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ah ciidamada DANAB ee Kumaandooska Soomaaliya ku qaadeen Saldhigyo Milateri oo ay dagaalmayaasha Al-Shabaab ku lahaayeen degmooyin ka tirsan gobalka Jubada Hoose.

    Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa weerarka goobaha ay ku qaadeen waxaa kamid ah fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Bu’aale ee gobalka Jubada Hoose waxaana la sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

    Xubno ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay beegsadeen Saldhig milateri oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Bu’aale oo kamid degmooyinka ay ku xoogan yihiin.

    Sidoo kale ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah waxay xalay weeraro kale ka fuliyeen degmada Jamaame ee gobalka Jubada Hoose, iyo tuulada Jameeca ee gobalka Shabeelada dhexe oo ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen ciidamo ay uga hortagaan abaabul dagaal oo ay wado dowladda Soomaaliya.Valueimpression Placeholder

    Saraakiisha Milateriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska ayaa sheegay in ay shaacin doonaan xog ku saabsan weeraradaan ay xalay ka fuliyeen fariismaha Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.