Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Weeraro kale oo ka dhacay Badda Cas oo waayahan xaalkeedu kacsan yahay
    Somalia

    Weeraro kale oo ka dhacay Badda Cas oo waayahan xaalkeedu kacsan yahay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 13, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maamulka badaha ayaa baadhaya weeraro kala duwan oo la sheegay in lagu qaaday markab marayey biyaha badda cas, gaar ahaan, meel u dhow goobaha ay Xuutiyiintu ay weerarada maraakiibta ka geystaan.

    Hawlgalka ganacsiga badaha ee boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegay inay heleen, xog tilmaamaysa, qarax ka dhacay meel 174 KM woqooyi galbeed kaga beegan dekedda Xudayda ee dalka Yemen, weerarkaas oo dhacay subaxnimadii Salaasada.

    Warbixintan ayaa timi, saacado yar ka dib, markii laba qarax oo kale lala beegsaday isla markabkan, xilli uu marayey meel 117 KM u jirta xeebta Xudayda, sida laga soo xigtay shirkadda dhinaca ammaanka badaha ee Ambrey.

    Weerarka koowaad ayaa loo adeegsaday walxo qarxa, hase ahaatee, waxaa lagu qarxiyey meel u dhow markabka, waxaana shaqaalaha markabku ay arkeen doonyar oo samaynaysa dhaqdhaqaaqyo ay ka shakiyeen, taasoo doonaysa inay aad ugu soo dhowaato markabka.

    Waxaana markaas ka dib dhacay qaraxa labaad.

    Xuutiyiinta ayaa bilaabay hawlgalladooda, tan iyo markii ay Israa’iil weerarada ku qaadday marinka Qaza, si ay garab istaag ugu muujiyaan Falastiiniyiinta.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.