Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland iyo Shiinaha oo kala saxiixady heshiisyo horumarineed
    Somalia

    Puntland iyo Shiinaha oo kala saxiixady heshiisyo horumarineed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 31, 2019Updated:May 31, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalka Shiinaha ayaa magaalada Beijing kulan kula qaatay Madaxda ugu Sareysa ee Shirkadda CCECC.

    Shirkada CCECC oo xarunteeda weyn ay tahay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horeeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal.

    Waftiga Madaxweynaha oo Ka kooban Wasiiradda Wasaaraddaha Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Ganacsiga, iyo Tamarta, Biyaha iyo Macanta ayaa waxaa ay shir la qaateen Madaxda ugu sareeysa Shirkada CCECC, kulankaas oo lagu kala saxiixday fulinta mashaariic horumarineed oo ay shirkaddu ka fulin doonto Puntland.

    Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala sixiixday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal, taasi oo horumarinaysa ka faa’iidaysiga khayaraadda badda, korna u qaadaysa shaqa abuurka iyo dhaqaalaha dalka, Isla markaana xoojinaysa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Shiinaha.

    Ugu dambayn, Weftiga Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa inta ay dalka Shiinaha ku sugan yihiin waxaa ay yeelandoonaan shirar iyo kulamo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada dhinac, Isla markaa lagu tayaynayo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, waxaana uu qayb ka yahay heshiiska lagu dhisayo dekedda Kalluumaysiga degmada Eyl balanqaadyadii Madaxweyne Deni.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.