Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xaajood Xurmooyin.WQ.Maxamed C. Xasan ”Alto”
    Puntland

    Xaajood Xurmooyin.WQ.Maxamed C. Xasan ”Alto”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Xaajood Xurmooyin
     
    (Sheeko Gaaban)
     
    Waxaa wada kulmay oo si kalsooni ku dheehantahay isu waraystay laba marwooyin oo saaxiibbo ahaa.
     
    ”Baayo, i dhegeeyso! Horta ma ka heshaa ragga ardaallada ah?” Ubax ayaa rafiiqdeed, Udgoon, weyddiisey.
     
    ”Saaxiib waa ku sidee? Miyaynnu wax walba ku wada hadallaa? Imminka ma dhab bay su’aashu kaa tahay mise dheeldheel? Dabcan maya.”
     
    ”Kuwa qoryaha sita, sigaarka qiijiya, qaadka cuna, si khaldan Qur’aanka Eebbe ugu qaraabta oo qaadashada qalinku dhib ku yahay, bal iyagana ka warran?”
     
    ”Oo maxaan, heedhe, ku falayaa? Kuwaas iyaga hay maqmaqashiinnin!” ayaa Udgoon ku jawaabtay, ”Waadawdarro iyo damiinno aan dugsi iyo daryeel labada daarood – adduun iyo aakhiraba – midnaba ku lahayn.”
     
    ”Maxaad ka odhan lahayd hadday qaybin, qoloqoleeyn iyo qabyaalad kula soo galaan?” Ubax ayaa weyddiisey.
     
    ”Maxay, walaal, qaadi karaan? Ha qaylqayliyeen waligood, Soomaali qoys qudha ayay qarniyaal badan ahayd, tahay imminka, khaatimadana ahaan doontaa.” Horey ayaa loo yidhi: ’Sagaaro laba tun oo la kala qalo ma laha.’”
     
    ”Khamaarlayaasha iyo khamriilayaashase?”
     
    Kute Udgoon: ”Xaashaa, kuwaa xilo u noqon maayo.”
     
    Sayte Ubax: ”Saa waa kuwa googgo’a ka xada gacalladooda?”
     
    ”Iyagu hadalkoodaba daa! Qori agtayda ka jabsan maayaan.”
     
    ”Kuwa ka hadal aan ubadkooda war iyo wacaal ka haynnin?”
     
    ”Bisinka iyo Burdaha ayaan ka qabsaday.”
     
    ”Godadlayaashase?”
     
    ”Gurigayga soo gelin maayo. Ma wax gambar iyo gogol loo dhigo oo la gacalaysto baa?” Udgoon ayaa ku warcelisey.
     
    Gebaggebadii Ubax ayaa su’aal xog-goob ah dhiibatay: ”Haddaba, ina-adeer, maxaad saygayga ka odhan lahayd, isagu waa jaadma?”
     
    Maxamed C. Xasan ”Alto”
     
    Helsinki, Finland
     
    06.04.2002 xasan_maxamed@hotmail.com
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.