Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xaajood Xurmooyin.WQ.Maxamed C. Xasan ”Alto”
    Puntland

    Xaajood Xurmooyin.WQ.Maxamed C. Xasan ”Alto”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Xaajood Xurmooyin
     
    (Sheeko Gaaban)
     
    Waxaa wada kulmay oo si kalsooni ku dheehantahay isu waraystay laba marwooyin oo saaxiibbo ahaa.
     
    ”Baayo, i dhegeeyso! Horta ma ka heshaa ragga ardaallada ah?” Ubax ayaa rafiiqdeed, Udgoon, weyddiisey.
     
    ”Saaxiib waa ku sidee? Miyaynnu wax walba ku wada hadallaa? Imminka ma dhab bay su’aashu kaa tahay mise dheeldheel? Dabcan maya.”
     
    ”Kuwa qoryaha sita, sigaarka qiijiya, qaadka cuna, si khaldan Qur’aanka Eebbe ugu qaraabta oo qaadashada qalinku dhib ku yahay, bal iyagana ka warran?”
     
    ”Oo maxaan, heedhe, ku falayaa? Kuwaas iyaga hay maqmaqashiinnin!” ayaa Udgoon ku jawaabtay, ”Waadawdarro iyo damiinno aan dugsi iyo daryeel labada daarood – adduun iyo aakhiraba – midnaba ku lahayn.”
     
    ”Maxaad ka odhan lahayd hadday qaybin, qoloqoleeyn iyo qabyaalad kula soo galaan?” Ubax ayaa weyddiisey.
     
    ”Maxay, walaal, qaadi karaan? Ha qaylqayliyeen waligood, Soomaali qoys qudha ayay qarniyaal badan ahayd, tahay imminka, khaatimadana ahaan doontaa.” Horey ayaa loo yidhi: ’Sagaaro laba tun oo la kala qalo ma laha.’”
     
    ”Khamaarlayaasha iyo khamriilayaashase?”
     
    Kute Udgoon: ”Xaashaa, kuwaa xilo u noqon maayo.”
     
    Sayte Ubax: ”Saa waa kuwa googgo’a ka xada gacalladooda?”
     
    ”Iyagu hadalkoodaba daa! Qori agtayda ka jabsan maayaan.”
     
    ”Kuwa ka hadal aan ubadkooda war iyo wacaal ka haynnin?”
     
    ”Bisinka iyo Burdaha ayaan ka qabsaday.”
     
    ”Godadlayaashase?”
     
    ”Gurigayga soo gelin maayo. Ma wax gambar iyo gogol loo dhigo oo la gacalaysto baa?” Udgoon ayaa ku warcelisey.
     
    Gebaggebadii Ubax ayaa su’aal xog-goob ah dhiibatay: ”Haddaba, ina-adeer, maxaad saygayga ka odhan lahayd, isagu waa jaadma?”
     
    Maxamed C. Xasan ”Alto”
     
    Helsinki, Finland
     
    06.04.2002 xasan_maxamed@hotmail.com
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Mareykanka iyo Itoobiya oo u yeeray Madaxweyne Deni

    July 24, 2026

    Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Wax-ka-bedelka Xeerka Xisbiyada Puntland

    July 23, 2026

    Diyaarad hub iyo maleeshiyaad u wada Ilmo Diyaano oo kasoo kacday Muqdisho

    July 23, 2026
    Latest Posts

    The President of Puntland is meeting with US and Ethiopian officials in Addis Ababa.

    XOG: Mareykanka iyo Itoobiya oo u yeeray Madaxweyne Deni

    Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Wax-ka-bedelka Xeerka Xisbiyada Puntland

    Diyaarad hub iyo maleeshiyaad u wada Ilmo Diyaano oo kasoo kacday Muqdisho

    Cirro “Reer Sool gacmo furan halagu soo dhaweeyo”

    QARDHO: Asad Diyaano oo maleeshiyo ku aruurinaya deegaanka ‘GERI-HEL’

    Dhimasho ka dhalatay Shil kale oo ka dhacay Deegaanka Soomaalida

    𝐃𝐃𝐒: Gaari Bus ah oo ka baxay Jigjiga oo rogmaday

    Firxad katirsan maleeshiyaadka ilma Diyaano oo gacanta lagu dhigay

    Puntland “Waxaan soo afjarnay maleeshiyaad u shaqeynayay Xassan Shiikh”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.