Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xaalad kacsanaan ah oo ka jirta Degaanada Puntland iyo Madixii amniyaadka Al-Shabaab oo lasii daayay
    Somalia

    Xaalad kacsanaan ah oo ka jirta Degaanada Puntland iyo Madixii amniyaadka Al-Shabaab oo lasii daayay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 8, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xaalad kacsan,ayaa ka jirta guud ahaan Puntland,taasoo ka dhalatay sii dayntii ay maanta Maxkamada Ciidamada sii daysay Madaxii Amniyaadka Alshabaab iyo 9-kale oo ah xubno muhiim ah.

    Maxkamada Racfaanka,ayaa kooxdan Dil toogasho ah horay ugu xukuntay,balse waxaa sifo aan xeerka waafaqsanayn ku laalay xukunkeedii Maxkamada Ciidamada Puntland.

    Xeer Nabar-10,Qodobka 2-aad farqadiisa 1-aad ee Xeerka la dagaalanka argagixisada ee la sameeyay 2011waxuu dhigayaa Qof ku cadaato in uu ka mid yahay Alshabaab Dil toogasha ah.

    Sidoo kale Xeerka la dagaalanka argagixisada ee Nambar 10-Qodobka 2-aad,Farqadiisa 2-aad waxuu amrayaa in ugu yaraan 10-sano ilaa xabsi daa’in lagu xukumo qofkii ay ku cadaato in uu gacan siiyay Alshabaab.

    Xukunka shalay ay rideen garsoorayaasha Maxkamada sare ee Ciidamada Puntland waxuu ahaa mid sharciga baalmarsan oo gacan siinaya argagixisada.

    Garsoorayaasha Maxkamada sare ee Ciidamada,ayaa la filayay in 48 saac ee lasoo dhaafay kala diro,balse wareegtada shaacinteedii,ayaa dib udhac ku yimid.

    Waxay umuuqataa in ay markale Maxkamada Ciidamada ay laaluush qaataday kana faa’idaysatay dib udhaca ku yimid kala daristeeda.

    Ciidamada amaanka Puntland,ayaa aad uga carooday talaabadan waxayna si buuxda ula wareegeen caawa goobo muhiim ah.

    Jibril Qoobey

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.