Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xaaskii Cabdiqaadir Muumin oo lagu xukumay 8-Sano oo Xabsi ah
    Somalia

    Xaaskii Cabdiqaadir Muumin oo lagu xukumay 8-Sano oo Xabsi ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 30, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa 8 oo xabsi ah ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen, oo loo soo xiray ka mid ahaanshaha kooxda Daacish ee Soomaaliya.

    Maxkamadda ayaa sheegtay in Fartuun oo isticmaalaysay magacyada kala ah (Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa) ay tahay xaaska horjoogaha kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabduqaadir Muumuin.

    Haweeneydan,ayaa la sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay kasoo qabteen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ee Muqdisho, 21-kii March 2022.

    Maxkamadda,ayaa sidoo kale sheegtay in Fartuun ay kooxda Daacish u qaabilesaneyd dhanka maaliyadda, islamarkaaana uu xeriir shaqo kala dhexeeyay Bilal al-Sudani, oo ka mid ah madaxda Daacish ee Soomaaliya, kaasi oo 27-kii Janaayo lagu dilay howlgal ay Mareykanka ka fuliyeen gobolka Bari.

    “Waxa ay tahay hadda Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Alshabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maxkamadda.

    Maxkamadda,ayaa intaas ku dartay in Fartuun ay sidoo kale marti gelin jirtay xubnaha Daacish ee magaalada Muqdisho ku dhuumaalaysta ama kuwa ku cusub.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.