Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xabad joojin la dhexdhigo Sraa’iil iyo Xamaas oo suurtageli wayday
    Somalia

    Xabad joojin la dhexdhigo Sraa’iil iyo Xamaas oo suurtageli wayday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 6, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wadahadallo Saddex Maalmood uga socday Magaalada Qaahira saraakiisha sare ee Xamaas iyo wakiillo ka kala socday dalalka Qatar, Mareykanka iyo Masar,ayaa Talaadadi shalay kusoo dhammaaday guuldarro.

    Wadahadallada oo hadafkoodu ahaa in madaxda Xamaas lagu qanciyo heshiis xabad-joojin lix todobaad ah oo laga dhaqangeliyo Qasa,ayaa dhicisoobay xilli ay bisha barakeysan ee Ramadan ay ka hareen Maalmo ka yar Todobaad.

    Mareykanka, Qatar iyo Masar,ayaa muddo Todobaadyo ah isku dayaya in ay heshiis Xabad-joojin ah kala dhex dhigaan Israa’iil iyo Xamaas.

    Heshiiska hadda lagu guul-dareystay,ayaa dhigayay in Xamaas ay sii deyso dadka ay ka heyso Isra’il, halka Israil ay xabsiyadeeda ka fasaxeyso maxaabiista jilicsan ee Falastiiniyiinta iyo in labada dhinac ay xabbada joojiyaan muddo lix todobaad ah.
    Osama Hamdan oo ka mid ah saraakiisha sare ee Xamaas ayaa Talaadadi shalay sheegay, in ay doonayaan xabad joojin joogto ah halka ay ka aqbali lahaa yeen Lix Todobaad iyo sidoo kale in Israa’iil ay Ciidankeeda gabi ahaanba kala baxdo Qasa.

    Ku dhawaad Shan Bilood oo dagaal cirka Badda iyo Dhulka ah iyo go’doomin ay Qasa go’doomiyeen Ciidamada Israa’iil ayay Qaramada Midoobay sheegtay in Boqollaal Kun oo dadka Qasa ah ay qarka u saaran yihiin in ay macaluul u dhintaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.