Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xabbad joojin looga dhawaaqay Libya
    Somalia

    Xabbad joojin looga dhawaaqay Libya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 12, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xukuumadda Libya ayaa aqbashay maanta oo Axad ah xabad joojin ay dalalka Russia iyo Turkey ay ku booriyeen dhinacyada ku dagaalamaya Libya.

    Khalifa Haftar oo ah nin dagaal hubeysan kaga soo horjeeda xukuumadda Libya ee Qaramada Midoobe aqqoonsan tahay ayaa isna ku dhawaaqay in uu xabadda joojiyay.

    Ra’isulwasaaraha xukuumadda Libya Fayez al-Sarraj ayaa sheegay in xabad joojintu ay bilaabaneyso saqda dhexe ee caawa, hase ahaatee ay xukuumaddiisu xaq u leedahay iney iska difaacdo haddii la soo weeraro.

    Sarraj ayaa sheegay inuu xabad joojintan aqbalay isaga oo ka jawaabaya baaqa ka yimid madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo madaxweynaha Russia Vladimir Putin.

    Erdogan iyo Putin ayaa ku baaqay xabad joojinta ka dib kulan ay Arbacadii ku yeeshay magaalada Istanbul.

    Turkey ayaa kulankaasi kaga codsatay Russia iney ka dhaadhiciso Jeneral Haftar inuu aqbalo xabbad joojinta.

    Xukuumadda Ankara ayaa ciidamo kooban oo militari ah u daabushay Libya bishan Janaayo si ay u caawiso xukuumadda Libya ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli.

    Russia ayaa dhankeeda la aamminsan yahay iney si aad ah u taageerto ciidamada Jeneral Haftar kaasi oo ay sidoo kale taageeraan dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Masar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.