Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xabbad joojintii Muuse Biixi oo beenowday iyo Dagaalkii Laascaanood oo Meeshiisii kasii socda
    Somalia

    Xabbad joojintii Muuse Biixi oo beenowday iyo Dagaalkii Laascaanood oo Meeshiisii kasii socda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 11, 2023Updated:February 11, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaalka u dhexeeya Dadka Deegaanka iyo Malleeshiyada Muuse Biixi,ayaa saaka galay maalintii Lixaad.

    Ma dhaqangelin Xabbad-joojin uu xalay iskiis ugu dhawaaqay Maamulka Muuse Biixi.

    Dagaalka,ayaa saaka weli ka socda bannaanka magaalada iyadoo la soo sheegayo khasaaro ka dhashay.

    Mid kamida Dhakhaatiirta isbitaalka Gargaar ee Magaalada Laascanood,ayaa laguso warramayaa in uu geeriyooday kaddib markii rasaastu ay ugu tagtay isbitaalka isagoo howlo daweyn mutadawac nimo ah ku guda jira.

    Sidoo kale Maleeshiyada Muuse Biixi,ayaa Madaafiic kusoo garaacaya Magaalada.

    Madaafiicda,ayaa ku dhacay Guryo Shacab,waxaana ka dhashay khasaare Naf iyo Maalba leh.

    Guryaha lagu garaacay Madaafiicda,waxaa ka mid ah Guriga Garaad Jaamac Garaad Cali,inkastoo cid aysan waxba ku noqon.

    Wararkii ugu danbeeyay ee Laascaanood,ayas sheegaya in Ciidamada Deegaanka ay burburiyeen Taliskii Daray-Madoobe ee Maleeshiyada Muuse Biixi kaasoo ku yaalay duleedka Magaalada.

    Garaadada Sool,ayaa isla Xalayba ku dooday in ku dhawaaqista Xabad joojinta ee Maamulka Muuse Biixi ay tahay hoosaasin been guur ah oo ayba Beri qorshaynayaan weerar xoog badan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.