Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xamaas oo ay ubadan tahay in ay aqbasho Xabad joojin
    Somalia

    Xamaas oo ay ubadan tahay in ay aqbasho Xabad joojin

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 29, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay sheegay in uu ku rajo weyn yahay Xamaas in ay aqbasho waxa uu ku tilmaamay “deeqsinimo aan caadi ahayn” ee hindisaha xabbad joojinta Qasa ee Israa’iil.

    Mr Blinken, oo ka qayb galaya wadahadallo uu la yeelanayo dhiggiisa Gobolka shirka ka dhacaya Sucuudiga,ayaa ka hadlay waftiga Xamaas ee ka qayb galaya wada xaajoodyada xabbad joojinta ee aan tooska ahayn ee ka socda Masar.

    Ka dib toddobaadyo ay xaaladdu cakirneyd , Xamaas,ayaa lagu soo warramayaa in aysan dood weyn ka qabin qorshaha ay dib ugu eegeeyso, qorshaha xabdjoojinta ee ay Israa’iil ansixisay .

    Waxaa la sheegay inay ku jirto erayo cusub oo ku saabsan joojinta dagaalka.

    Mr Blinken,ayaa mar kale xaqiijiyay in Mareykanka uu ka soo horjeedo duulaanka Israa’iil ay qorsheyneyso in ay ku qaado magaalada Rafah, isagoo sheegay in uusan arag wax qorshe ah oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah ee halkaasi ku sugan.

    20 Qof,ayaa ku naf wayday duqeymo habeenimadii xalay ahayd ay fuliyeen diyaaradaha Israa’iil.

    Sidoo kale, wada-hadallada ka dhacaya Riyaad waxaa jooga Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda – Shiikh Mohammed Bin Cbdulrahman Al-Thani – oo ku baaqay in heshiis la dhex dhigo Israa’iil iyo Xamaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.