Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xamaas oo looga dilay Lubnaan hogaamiye muhiim u ahaa
    Somalia

    Xamaas oo looga dilay Lubnaan hogaamiye muhiim u ahaa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 3, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saleh al-Arouri wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreeya marka la eego hoggaanka Xamaas – wuxuu ahaa hormuudka xagga siyaasadda iyo militarigaba.

    Ninkan oo  da’diisu ahayd 57 jir,waxa uu ahaa ku xigeenka Madaxa Xamaas ee Xafiiska Siyaasadda, wuxuuna Gacan ka geystay aasaaska garabka militari ee kooxda, Izz al-Din al-Qassam Brigades.

    Wuxuu aad ugu lug lahaa weligiiba arrimaha Militariga kooxda Xamaas.

    Waxaa lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka koofurta Bayruut ku yaalla ee Dahiyeh, wuxuuna ahaa weerar si weyn loogu eedeeyay Israa’iil.

    Saleh al-Arouri,ayaa Xamaas ku biiray sanadkii 1987, wuxuuna Gacan ka geystay joogitaanka Militariga kooxda ee Daanta Galbeed ee la heysto.

    Wuxuu ka mid ahaa saraakiisha Xamaas ee aadka ugu dhow Iiraan iyo kooxda ay taageerto ee Xisbullaahi-da Lubnaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.