Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xasan Sheekh oo baaq kasoo saaray xaalada Galmudug
    Somalia

    Xasan Sheekh oo baaq kasoo saaray xaalada Galmudug

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 1, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq kasoo saaray Xaaladda Murugsan ee Siyaasadda maamulka Galmudug ka dib markii Saddex baarlamaan looga dhawaaqay degaanada Galmudug.

    War uu saaray Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ugu baaqay Bulshadda Galmudug Midnimo Wadajir iyo Tanaasul.

    Hadalka Xasan Sheekh Maxamud ayaa siddaan u qornaa:

    Deegaannada iyo dadka ku abtirsada Dowlad-goboleedka Galmudug taariikh ahaan waxay dowr mug leh ku lahaayeen dowladnimada Soomaaliya.

    Dhismihii GM waxaa loo soo maray wadda dheer oo ay ka mid ahaayeen isku imaatankii iyo wadaxaajoodkii belaha dega Galmudug.

    Xilligaas degaannada Galmudug waxaa ka jiray maamullo kala duwan oo tira ahaan aad u badnaa. Kuwo magac ahaan u jiray iyo dhab ahaan u jirayba.

    Dadka reer Galmudug wada xaajood dheer ka dib waxaa lagu heshiiyay in laga TANASULO oo la mideeyo maamulladii jiray xilligaas.

    Maanta waxaan rajeynayaa in Galmudug aaney dib ugu noqon meeshii ay ka timid.
    Waxaan halkaan baaq uga dirayaa madaxda dowladda federaalka, siyaasiyiinta reer Galmudug iyo hoggaamiyayaasha beelaha in la muujiyo dulqaad iyo tanasul si loo heli Galmudug mideysan oo leh hoggaan la wada doortay, si dhammaan dadka reer Galmudug ugu wada guntadaan iney xoreeyaan degaannada ku harsan gacanta nabaddiidka ugana faa’iidaystaan FURSDAHA faraha badan ee ka jira degaannadooda.

    Waxaan dardaarmeynaa oo aan diyaar u nahay inaan gacan ka gaysanno xalka. Waxaan ku talinayaa in la dejiyo xaaladda oo aan la degdegin la iskana ilaaliyo hadallada iyo ficillada aan xalka wax ku soo kordhineyn.

    Guul iyo Nabad dhammaan degaannada iyo dadeynaha reer Galmudug.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.