Abiy,ayaa uyeeray Xasan Shiikh ee isagu ma dalban markan.
Uyeerida Abiy uu uyeeray Xasan,waxay daarnayd arimaha JL.
Xasan,ayaa ka dacwooday Kenya oo Abiy uga dacwooday kulankii Kismaayo kadib.
“Nin OG ah,ayaad isoo dirtay Ruto oo iiga hiiliyay Nin kale oo OG,isagaana masuulka ahaa fashilkii Kismaayo iga soo raacay oo aan waxba sii diyaarin”Ayuu Xasan ku yiri Ruto,isagoo ka dacwoonayay Nuuradiin.
Ruto,wuxuu ugu jawaabay..”Nuuradiin,isagaa masuul ka ah amniga Kenya iyo kan Gobolka,waana is afdhaafeen Xasan”.
Kadib,Abiy iyo Ruto,ayaa wada hadlay,sidaa,ayaana Abiy ugu yeeray Xasan.
Garoonka diyaaradaha,ayuu Abiy ku qaabilay Xasa,wuxuuna ku yiri….
“Waxaan kugula talin lahaa in aad JL xaalkeeda dajiso kana istaagto samaynta Maamul kale,waana idin wada hadal siin karaa Axmed,sideedana JL dhib uguma horayn Ciidamada aad usoo dirtay”.
Xasan,waa dhibsaday hadalkii Abiy,isagoo caraysan,ayuuna soo laabtay oo Gurigiisa isku soo xiray.
Xogta kulanka,waxaa laga helay dhanka Abiy oo Xubno Dowladiisa ah warbixin ka siiyay,halka Xasan kaligii ahaa markuu tagayay,kadibna aan cidna uwaramin.