Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xasan Shiikh oo ka meel marsaday Baarlamaanka Fadaraalka Dastuurkiisii cusbaa
    Somalia

    Xasan Shiikh oo ka meel marsaday Baarlamaanka Fadaraalka Dastuurkiisii cusbaa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 30, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, Maarso 30, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 31-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Kulanka oo ay goob joog ahaayeen Ku-xigeenada Labada Aqal ayaa ajandaha kulanka maanta wuxuu ahaa ansixinta soojeedinta wax-ka-bedelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kooramka Golaha Shacabka ayaa haa 212, Sennatarada na 42.

    Xogahayaha Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Labada Aqal Sennatar Siciid Cawke, oo ugu horreyn soo jeedyay in seddex qodob ka ka tirsan cutubka 2-aad laga reebay rasteynta iyo ansixinta 4-ta Cutub ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriaydda Federaalka Soomaaliya.

    Xildhibaanadda Labada Aqal ayaa cod aqlabiyad leh ku anxiyay Cutubka 1-aad ilaa Cutubka 4-aad ee dastuurka. Waxaa Golaha Shacabka u codeysay 212, wax diiday iyo wax ka aamusay ma jiraan, Aqalka Sare 42, wax ka aamusay iyo wax diiday ma jiraan waxaana uu Guddoomiyaha sheegay in sidaasi uu ansax ku yahay.

    Guddoomiyaha Guddiga la socod-ka Dastuurka Labada Aqal Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf, (Xuseen Iidow), ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay shaqadii wanagsaneyd ee ay soo qabteen iyo Guddiga Madaxbannan ee Dib u eegista Dastuurka oo juhdi badan ku bixiyay sidii looga mira-dhalin lahaa wax-ka-bedelka Dastuurka ee Soomaaliya.

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada, Sennatarada, ciidanka ammanka iyo bahda saaxaafada oo uu ku tilmaamay in ay guteen waajibkooda ugu na shaqeeyeen dalkooda. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xusay in Baarlamaanka uu galay waqtigiisa fasaxa ahaa, isagoona Xildhibaannada Labada Aqal kula dardaarmay in waqtiga fasaxa laga faaideysto lana aado deegaan doorashooyinka.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.