Xasan,wax walba oo uu ku hor istaagi karo imaanshaha Baydhabo ee Laftagareen,waa isku dayay oo Ciidamada Itoobiyaanka ee jooga Baydhabo iyo xataa Abiy,waa la hadlay.
Si kale hadii loo yiraahdo,waa ka fashilmay Xasan inqilaabkii Laftagareen uu la damacsanaa.
Sidii Fahad u inqilaabay Shariif Xasan,ayuu isku dayay in uu Xasan u inqilaabo Laftagareen,balse Itoobiyaanka,ayaa ka diiday oo fashiliyay qorshihiisii.
2000 oo Askari oo Itoobiyaan ah,ayaa jooga Baydhabo,waxayna Gacanta ku hayaan amniga Madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha.
Laftagareen,waxaa looga fadhiyaa markuu dhamaysto wada tashiga Golihiisa in uu ku dhawaaqo Sadex qodob oo kala ah…..
- Ka bixida Xisbiga JSP ee Xasan.
- Diidmada Falaadka Dastuurka ee XSM.
- Qabsashada doorasho dadban oo weliba deg-dega.
