Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xasan Shiikh oo kusoo hungoobay safaradiisii dhaqaale raadiska Ee Qatar iyo UAE
    Somalia

    Xasan Shiikh oo kusoo hungoobay safaradiisii dhaqaale raadiska Ee Qatar iyo UAE

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 12, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    M.Xasan si weyn,ayuu ugu soo hungoobay Qatar iyo Imaaraadka booqashooyinkii uu ku tagey ee ku salaysnaa dhaqaale raadinta.

    Imaaraadka iyo Xasan ?

    Markii ugu horaysay waxay shuruud uga dhigeen in uu lasoo heshiiyo Yuhuuda,waana aqbalay oo qarsoodi,ayuu ku tagey kuna soo saxiixay heshiiskii (Abraham).

    Kadib,waxay ku xireen Saxiixa Dekedaha Bosaso,Berbera iyo Muqdisho oo qayb ahaan laga siiyo iyaga,waa fuliyay Berbera iyo Bosaso,wayse ku adkaatay faragelinta mida Muqdisho ee Turkigu haysto.

    Markale,ayuu ku laabtay Imaaraadka,waxayna hordhigeen in uu Saxiixo Saldhig Milleteri oo 50-sano ah,kaasoo Bosaso ay ka samaysanayaan,waase ku dhici waayay oo Maraykanka,ayaa uga digay.

    Xasan,waxuu soo jeediyay in Saldhiga loo badalo heshiis iskaashi amni sida kan Ciidamada Badda PL oo kale ah,waxaase diiday Dowlada Imaaraadka.

    Dib,ayuu uga soo laabtay,isagoon fara maran.

    Qatar iyo Xasan?

    Waxuu hordhigtay Dalabyo taageero dhaqaale ah oo iskugu jira kabid miisaaniyad iyo la dagaallanka argagixisada.

    Qatariyiintu maba war wareejin oo si fudud ayay ugu yiraahdeen soo dhawoow oo talaabooyinkan la imow hadaad naga rabto taageero…

    1.Dhis Xukuumad lala shaqayn karo.
    2.Dhis Sirdoon la aamini karo.
    3 Ogolow in aad Shabaab hor fariisato,ka joojiso dagaalka waxna ka siiso Dowlada.

    Macnaha soo jeedintooda marka la fasiro,waxuu noqonayaa noo Gacan geli RW iyo Madaxa Sirdoonka,aqbalna RW Shabaab ah.

    Dharbaaxooyin uusan filayn,ayaa kaga soo dhacay Labadaas Dal Madaxweyne Xasan Shiikh.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.