Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xasan Shiikh oo Wasiirada ku amray in ay socod siiyaan qorshihiisii Fadaraal burburinta
    Somalia

    Xasan Shiikh oo Wasiirada ku amray in ay socod siiyaan qorshihiisii Fadaraal burburinta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 13, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirka uu la qaatay Golaha Wasiirada Fadaraalka Madaxweyne Xasan saakay,waxa uu kala hadlay hal arin oo ah socod siinta Warmurtiyeedkii Shirkii Madashii ee ay PL ka maqnayd.

    Wasiirada,waxaa loo sheegay in ay qayb ka qaataan sidii Baarlamaanka looga gadi lahaa Warmurtiyeedkaas iyo wixii ku qornaa,waxaana Wasiir walba laga rabaa 5-Xildhibaan oo taageera Warmurtiyeedkaas.

    Si kale hadii loo dhigo,waa haal socodsiiyo qorshaha dhigaya Wadanka Dastuurkiisa hala burburiyo hana loo badalo Dowlad Hal Xaafiis ah oo leh Madaxweyne iyo ku xigeen,isla markaana shuruucda ay ku shaqaynayso ay yihiin Dowlad dhexe oo aan Fadaraali ahayn.

    Xasan way kaga dhagan tahay socod siinta Warmurtiyeedkaas,waase midkii soo afjari lahaa rajada yar ee laga qabo Qaran Somaliyed oo dib u istaaga.

    Si gaar ah hadii Labada Gole ee Baarlamaanku socod siiyaan Warmurtiyeedkaas iyo wixii ku qornaa,waxay hiil weyn utahay Deni oo xilligan culays Siyaasadeed PL ka haysto.

    Haba yaraatee wax door ah maleh awoodii Dastuuriga ahayd ee Ra’isalwasaaraha JFS.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.