Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xasan Shiikh”Dalka waa in doorasho ka dhacdaa caqabad walba Oo jirta
    Somalia

    Xasan Shiikh”Dalka waa in doorasho ka dhacdaa caqabad walba Oo jirta

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 5, 2019Updated:December 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan la wadaago taariikhda doorashooyinka ee dalkeenna.

    1964tii dalka Soomaaliya waxaa laga qabtay doorasho iyadoo dalku ku jiro dagaal. Xilligaas waxaa soo baxay halhayskii caanka noqday ee ahaa “GACANNE WAXBAAN KU DOORANEYNAA GACANTA KALENA DALKAAN KU DAAFACEYNAA”.

    Doorasho lagu guuleystay ayaa dhacday iyadoo dagaalkii uu Socodo.

    2011-2012 iyadoo lagu jiro qabanqaabadii doorashada waxaa dalka ka dhacay abaaro ba’an. Abaarahaas waxaa nooga dhintay, AUN 250 kun oo Soomaali, Shabaabne waddooyinka magaalada Xamar qaar ayey dhufeysyo ka qoteen oo dagaal looga saaray, doorashadiina waa dhacday.

    2016 Dagaalka shabaab waa jiray oo waa tii ay weerareen Madaxtooyo, Maxkamadda, Baarlammaanka iyo xarumaha AMISOM iyo UNka intaba. Haddane sidaas oo ay tahay nagama hor istaagin doorasho.

    Haddaba, haddii aan leennahay taariikh doorasheedkaas iyo waayo aragnimadaas, waa maxay duruufaha iyo masiibooyinka intaas aan soo sheegnay ka weyn ee aan la garaneyn ee siyaasiyiinta qaar ay arkaan.

    Kororsiimo hay’adaha dastuuriga ah waxay ka hor immaaneysaa dastuurka JFS ee aan ku dhaqaanno. Sidoo kale kororsiimadu waxay ka hor immaaneysaa xaqa dastuuriga ah ee ah muwaaddinku in la doorto iyo inuu wax doorto.

    Waxaan ku soo gabagabeynayaa madaxda hay’adaha dastuuriga ha ilaaliyeen dhaqanka dimiqraadiga ah ee curdanka ah ee dalkeenna. Sidoo kale xildhibaannada baarlammaanka federaalka ee jamhuuriyadda ha dhowreen dhaartii ay dhaarteen iyo wixi ay u dhaarteen ee ummaddu ku aamintay.

    Waxaan leeyahay doorashadu waa ASTAAN dowladnimo oo leh xeer iyo dhaqan dimoqraadi ah.Madaxda hay’adaha dastuuriga ah iyo golayaashaba waxaa looga fadhiyaa oo laga wada sugayaa doorasho ku dhacda waqtigeedii.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.