Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xiisadii Dimuqraadiyiinta iyo Trump oo cirka isku sii shareertay
    Somalia

    Xiisadii Dimuqraadiyiinta iyo Trump oo cirka isku sii shareertay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay hindiseyaal cusub oo ku saabsan gidaarkii uu doonayay in uu ku kala xiro xudduudaha waddamada Mareykanka iyo Mexico.

    Hindesiyaashani cusub ayuu uga gol-leeyahay sidii loo soo afjari lahaa hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda Mareykanka oo xirnaa muddo ka badan afar todobaad.

    Trump ayaa sidoo kale u muuqda in uu ka soo debcay mowqifyadii adkaa ee uu ka taagnaa dadka muhaajiriinta ahi, gaar ahaanna kuwa iyaga oo da’yar sharcidarro lagu geeyay Mareykanka balse wali waxa uu dalbanayaa ku dhawaad lix bilyan oo doolar oo uu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha gidaarka uu doonayo in lagu kala xiro Mareykanka iyo Mexico.
    Xildhibaanada xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku gacan seyray dalabka Trump ee ah in uu dhaqaale u helo dhismaha gidaarkaasi.

    Hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda ayaa saameeyay 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha dowladda dhexe Trump oo ka hadlayay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in muddo saddex sano ah oo dheeraad ah loo ogolaanayo in ay Mareykanka sii joogaan oo ay ka shaqeystaan muhaajiriinta iyaga oo da’yar sharcidarro lagu keenay gudaha Mareykanka.


    Dadkani ayaa hadda aanan waddanka laga musaafurin karin isla markaana loo ogol yahay in ay waddanka ka shaqeystaan balse aanan loo ogolayn in ay qaadaan dhalashada Mareykanka.


    Madaxweyne Trump ayaa isku dayay in muhaajiriintani markii hore Mareykanka sharcidarrada ku galay dalka laga musaafuriyo.
    Trump ayaa sidoo kale sheegay in dadka soogalootiga ahi ee sida kumeel gaarka ahi loogu ogolaaday in ay dalkaasi ku sii noolaadaan uu siinayo muddo kordhin saddex sano ah.
    Inkabadan 300,000 oo qof oo ka kala yimid waddamada ay colaaduhu ragaadiyeen ayaa haatan si ku meel gaar ah loogu ogol yahay in ay ku noolaadaan isla markaana ka shaqeystaan gudaha Mareykanka, waxaana madaxweyne Trump uu in muddo ah doonayay in dadkaasi dalka laga musaafuriyo.


    Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay guddoomiyaha aqalka Kongareeska, Nancy Pelosi, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa lagu sheegay in qorshaha Trump uu yahay mid aan la aqbali karin oo horeyba loo diiday isla markaana uusan daacad ka ahayn.

    Xigasho BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.