Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaan Fiqi “Xukuumadda waa ay ku fashilantay Maamul dhisida Galmudug”
    Somalia

    Xildhibaan Fiqi “Xukuumadda waa ay ku fashilantay Maamul dhisida Galmudug”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 26, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa waxaa uu shaaciyey in Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ay ku fashilantay dhismaha Maamulka Galmudug.

    Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Galmudug ay haatan wajaheyso xaalad adag iyo khilaaf xoogan taas oo sababi karto in Maamulo isdiidan laga dhiso Galmudug.

    “Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka yahey Ra’iisul Wasaare Kheyre waa ku fashilantey geedi-socodka dhismaha maamulka Galmudug, waxeyna Galmudug waajahaysaa xaalad adag iyo Khilaaf sii ballaaranaya oo sababi kara In maamullo is feeryaacaya oo dhowr ahi ay ka dhismaan ayuu yiri”Xildhibaan Fiqi.

    Sidoo kale, Xildhibaan Fiqi oo qoraal soo dhigey Bartiisa Facebook ayaa waxa uu sheegay in howlaha doorasho ee ka socda Galmudug ay dadka deegaannada ka yihiin Marti,isaga oo shaki geliyey dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

    Ugu dambeyn Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu soo farageliyo xaalka Galmudug inta uusan ka tallaabin xuduuddii loogu talagaley.

    Si kastaba dhismaha Galmudug ayaa waxaa xilligaan hareeyey khilaafyo isdaba socda,waxaana haatan khilaafka ugu xoogan uu u dhaxeeyaa Dowladda federaalka iyo hoggaanka Ahlusunna.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.