Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaan Ibbi “Waa xaqiiq waa lasoo riday diyaaradii ku dhacday Bardaale”
    Somalia

    Xildhibaan Ibbi “Waa xaqiiq waa lasoo riday diyaaradii ku dhacday Bardaale”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 5, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan Prof. C/raxmaan Aadan Ibbi oo ka mid ah saamileyda Shirkadda Diyaaradaha African Express ayaa sheegay in diyaaraddii shalay ku burburtay agagaarka garoonka diyaaradaha Bardaale la soo riday.

    Prof. Ibbi oo wareysi siiyay Idaacada Risaale ayaa sheegay in aanay garaneyn sida wax u dhaceen, balse ay dhab tahay in diyaaradooda la soo riday, ayna ka war sugayaan baaritaanka ay dowladda wado.

    “Waa dhab diyaaraddaas waa la soo riday, markii ay ku soo fooraarsatay garoonka diyaaradaha Bardaale, ma naqaano sida wax u dhaceen, baaritaanka dowladda ku jirta waxaa ku geeriyootay labo Captain, Engineer, labo shaqaale iyo nin xamuulka diyaaradda saarnaa wakiil ka ahaa”ayuu yiri Prof. Ibbi.

    Waxaa uu sheegay in dadka deegaanka Bardaale ay u sheegeen in xilliga diyaaradda soo degi rabtay uu socday dab rid iyo tababar, isla markaana diyaaradda ay aragray garoonka oo gawaari yaallay, kor ayay u kacday, wey kala wareegtay, markaas kadib ay saalbo ku dhacday, kuna burburtay meel garoonka u dhow sida uu yiri Xildhibaan Ibbi.

    Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee saldhigga ku leh garoonka diyaaradaha Bardaale inay gantaal ku dhifteen, inkastoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.