Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaan Wakiilada Maraykanka ka tirsan oo la xiray
    Somalia

    Xildhibaan Wakiilada Maraykanka ka tirsan oo la xiray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 10, 2023Updated:May 10, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    George Santos oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa la xiray Arbacada maanta ah, waxaana lagu eedeeyay musuqmaasuq, gacan-togaaleysi iyo xatooyo hanti dadweyne.

    Wuxuu hore u diiday baaqyo ahaa inuu is-casilo maadaama uu ka been sheegay shaqadiisa.

    Santos oo 34 jir ah ayaa hore loogu soo oogtay inuu khiyaameeyay taageerayaasha siyaasadda, isaga oo qariyay asalka lacagta uu ku galay olohiisa doorashada iyo mid uu isticmaalay xilli uu ahaa shaqa la’aan.

    “Isku soo wada duub, eedeymaha dacwadda lagu soo oogay waxay Santos ku eedeeyeen inay ku tiirsan yahay daacad-darro soo noqnoqotay iyo khiyaanooyin” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray Breon Peace, oo ah qareenka Mareykanka ee degmada Bariga New York.

    Wax yar kadib doorashadii Santos ee 2022 si uu u matalo degmada hodanka ah ee New York Long Island, ayaa jariidadda New York Times iyo xarumaha kale ee warbaahinta ay shaaca ka qaadeen inuu ka been sheegay ku dhawaad wax kasta oo ku saaabsan taariikhdiisa shaqsiyeed iyo tiisa xirfadeed.

     

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.