Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaanad Dalays oo loo diiday inay ka dhoofto Garoonka diyaaradaha Muqdisho
    Somalia

    Xildhibaanad Dalays oo loo diiday inay ka dhoofto Garoonka diyaaradaha Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan Dalays Xasan Adan oo katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in loo diiday inay ka dhoofto Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho xilli ay ku wajahneyd deegaano katirsan Gobolka Gedo oo deegaan doorashadeedu tahay.

    Xildhibaan Dalays Xasan Adan oo Maanta ka hadley kulanka Baarlamaanka ayaa sheegtay in saakay mar ay dooneysay inay u dhoofto Gobolka gedo loo sheegay inaysan bixin karin,isla markaana ay heysato Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka.

    Xildhibaannada ayaa Baarlamaanka ka dalbatay in loo cadeeyo sababta loogu diiday inay aado deegaanka Luuq Ganaane ee Gobolka Gedo iyo waxa lagu heysto,taas oo keentay in Guddoonka Golaha uu dalbaday in Ajandaha Maanta lagu soo daro.

    Horay ayaa tira laba jeer ah waxaa Garoonka diyaaradaha muqdisho loo diiday in uu ka dhoofo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xubno kale oo ka tirsan Madaxda Xisbiyada Qaran.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.