Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo kulankoodii ugu horeeyey yeelanaya maanta.
    Somalia

    Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo kulankoodii ugu horeeyey yeelanaya maanta.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 12, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa inay maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshaan Magaaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulkaas, kaddib markii la dhaariyay shalay.

    Xildhibaanada ayaa kulankooda uga hadlaya Arrimo ay kamid yihiin Doorashada Guddoonka, waxaana si KMG ah ay shir guddoon ugu dooran doonaan maanta qofka ugu da’da weyn ilaa iyo inta ay ka dooranayaan Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa Baarlamaanka Galmudug.

    Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa dhexdooda iska soo xuli doona Guddi doorasho, kaas oo asteeya hanaanka iyo habraaca doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

    Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey, waxana sidoo kale halkaasi ka socda kulamo xasaasi ah iyo loolan loogu jiro kamid noqoshada lixda Xubnood ee ka harey Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

    Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee looga dhawaaqay Dhuusamareeb ayaa kusoo aadaya xilli uu qaadacay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, isagoona ku tilmaamay mid been abuur ah oo lala xisaabtami doono kuwii ka dambeeyay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.