Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaanada iyo Siyaasiinta Beesha Hawiye oo soo saaray go’aamo ay kaga soo horjeedaan Xasan Sh.
    Somalia

    Xildhibaanada iyo Siyaasiinta Beesha Hawiye oo soo saaray go’aamo ay kaga soo horjeedaan Xasan Sh.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 30, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanno ka soo jeeda Beesha Hawiye,ayaa Caawa kulan iskugu yimid,kaasoo ka dhacay Magaalada Muqdisho .

    Kulanlan,waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanada,Ganacsato,Siyaasiyiin iyo odoyaal dhaqameed ka soo jeeda Beesha Muddulood.

    Dood dheer ka dib waxaa la isku raacay…

    1. Waxaa la doortay Guddi qabanqaabo Shirweyne Hawiye si Hawiye uu isaga badbaadiyo, ummadda soomaaliyeedna ugu badbaadiyo ,isagana bari yeelo khatarta jirta iyo in magaca dowladeed lagu geysanayo ku tagrifal awoodeed taas oo uu masuuliyadda koowaad leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud maadaama iyagu ay leeyihiin gacan qabashadiisa oo u uku abirsado, badankoodna ay lahaayeen sababta guushiisa .

    2. In xal loo helo cabashada xargaha goosatay ee Ganacsatada Somaliyed oo Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa ka haysta dhiigmiirad aan u naxaynin taas oo ay u dheer tahay codowga Khawaarijta oo amarro naf lacaarinimo ay ka muuqato dul dhigay.

    3. In Gogosha la balaariyo oo lagu casumo dhamaan wax garadka qabaa’ilka Soomaaliyeed ,sabatoo ah hab dhaqanka rajiimka talada haya maahan mid u adeegaya danta guud ee Shacabka ,midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.

    4. In Siyaasiyiinta dalka loogu baaqo in ay u istaagaan ka qeyb qaadashada toosinta Dowladnimada si aan dalka uga dhicin haadaan aan laga soo saari karo iyo in Soomaaliya ay noqoto goob ay ku hardamaan dalal leh maslaxadooda gaarka ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.