Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xildhibaannada Mareykanka oo Shuruud ku xiray ka iibinta Turkiga Ee Diyaaradaha F-16
    Somalia

    Xildhibaannada Mareykanka oo Shuruud ku xiray ka iibinta Turkiga Ee Diyaaradaha F-16

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 3, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaannada Aqalka Sare ee Mareykanka oo isugu jira labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga ayaa warqad u diray madaxweyne Joe Biden, taasoo ay uga codsadeen in uu dib u dhigo mashruuca Turkiga looga iibinayo diyaaradaha F-16 oo lagu qiimeeyay lacag dhan $20 bilyan oo doolar.

    Siyaasiyiintan ayaa dalbaday in xukuumadda Ankara laga hor istaago diyaaradahaas ilaa inta ay ka ansixineyso hannaanka ay dalalka Sweden iyo Finland ugu biirayaan isbahaysiga NATO.

    Sweden iyo Finland ayaa sanadkii lasoo dhaafay codsaday in ay xubno ka noqdaan NATO ka dib markii uu billowday dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, hase yeeshee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa dhowr shuruudood ku xirtay in ay taageerto arrintaas.

    Isbuucii lasoo dhaafay ayuu Turkiga sheegay in Sweden uusan ka oggolaan doonin ku biirista NATO ka dib markii uu ka carooday dhacdo lagu gubay kitaabka Qur’aanka oo ka dhacday gudaha Sweden.

    Dadka Kitaabka dabka qabadsiiyay ayaa xilligaas ku sugnaa afaafka hore ee safaaradda uu Turkiga ku leeyahay Sweden.

    Ilaa 29 senator oo isugu jira Jamhuuri iyo Dimuqraaddi ayaa warqadda ay u dureen Biden ugu sheegay in labada dal ee Scandinavian-ka ay sameeyeen “dadaallo dhammeystiran oo niyad wanaag ku dheehan yahay” si ay u fuliyaan shuruudaha uu ku xiray Turkiga.

    “Marka la anisixiyo hab raacyada ay labadan waddan ugu biirayaan NATO ka dib waxa uu Aqalka Wakiillada ee Congress-ka ka fiirsan karaa in Turkiga laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-16,” ayaa lagu yiri warqaddan.

    Qoraalka la gaarsiiyay madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Haddii lagu guul darreysto in arrinta sidaas loo fuliyo waxa ay su’aalo ka imaan doonaan heshiiska ku saabsan iibinta diyaaradaha.”

    Waa markii ugu horreysay ee ay xildhibaannada Mareykanka si toos ah isugu xiraan iibinta diyaaradaha uu Turkigu rabo iyo oggolaanshaha in ay Sweden iyo Finland ku biirayaan gaashaanbuurta NATO.

    Waxaa lasoo tebiyay in maamulka Biden uu horay u sheegay in uu taageersan yahay qorshaha diyaaradaha looga iibinayo Ankara isla markaasna uusan isku xiri doonin labada arrin.

    Waxaase uu Aqalka Cad hoosta ka xariiqay in aqbalidda Turkiga ee codsiga Sweden iyo Finland ay saameyn weyn ku yeelan doono go’aanka Golaha Wakiilada.

    Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay oggolaaneyso rabitaanka Finland balse ay kasoo hor jeeddo xubinnimada Sweden ka dib markii Kitaabka Qur’aanka Kariimka lagu gubay magaalada caasimadda u ah Sweden ee Stockholm.

    Raysul Wasaareyaasha Finland iyo Sweden, Sanna Marin and Ulf Kristersson ayaa ku dhawaaqay in ay ka go’an tahay iney si wadajir ah isula fuliyaan hannaanka ku biiriska isbahaysiga militeri ee NATO, iyagoo dhagaha ka fureystay hadalkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay hoggaamiyaha Turkiga oo fasaxay Finland oo keliya.

    Ankara ayaa markii hore shuruud muhiim ah u arkeysay in dalalkan raadinaya xubinnimad NATO ay usoo gacan geliyaan shakhsiyaad ay u aqoonsan tahay argagixiso oo ku nool dalalkooda.

    Dhammaan 30-ka dal ee uu ka kooban yahay Isbahaysiga NATO, marka laga reebo Turkiga iyo Hungary, kama aysan hor imaan xubinnimada Sweden iyo Finlad.

    Bishii October ee sanadkii 2021 ayuu Turkiga gudbiyay codsiga uu Mareykanka uga iibsanayo 40 diyaaradood oo noocoodu yahay F-16.

    Xigasho:-BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.