Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xilka qaadista Trump oo lugaha la gashay Soomaaliya
    Somalia

    Xilka qaadista Trump oo lugaha la gashay Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 16, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya mooshin xilka qaadis ah waxaana maalintii 2aad la dhegeystay dacwadda isaga ku socota oo warbaahinta laga tabinayay.

    Danjirihii hore ee Mareykanka u qaabilsaneyd Dalka Ukraine Marie Yovanovitch oo qeyb lixaad leh ka ah mooshinka xilka qaadista Trump ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu shaqadeeda diblomaasiyadeed meel uga dhacay taas oo ceeb iyo xadgudub ku ah dastuurka Mareykanka.

    Waxaa ay sheegtay in Trump intii ay ahayd safiirka Mareykanka ee Ukraine uu ku aflagaadeeyay barta Twitterka, islamarkaana uu qoray “meelkasta oo ay tagto Marie Yovanovitch  wey xumaataa sida Soomaaliya iyo Ukraine”, hadalkaas oo hadda qeyb ka ah dacwadda ka dhanka ah Trump.

    Marie Yovanovitch, ayaa sheegtay in ay la mid tahay diblomaasiyiinta Mareykanka ah ee daafaha Caalamka loo diro islamarkaana aysan awood u lahayn in ay xumeyso dalalka ay wakiilka uga tahay Mareykanka.

    Guddooiyaha Guddiga sirdoonka aqalka hoose Adam Schiff, ayaa farriinta Twitter-ka ee Trump ka hor aqriyay golaha waxaana uu Safiirka hore weydiiyay in ay jawaab ka bixiso.

    Waxaa ay tiri “Ma u maleynayo in aan leeyahay awoodahaas, Muqdisho Soomaaliya, ama xitaa meel kale, runtii waxaan aaminsanahay meelaha aan aniga iyo dibloaasiyiinta kaleba ka soo shaqeynay in aan wanaag dan u ah Mareykanka ku kordhinay”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.