Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xisbiga Shaqaalaha oo 14-Sano kadib dib uhantay Xaafiiska looga arimiyo Uk
    Somalia

    Xisbiga Shaqaalaha oo 14-Sano kadib dib uhantay Xaafiiska looga arimiyo Uk

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 5, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boqorka UK, Charles III ayaa Jimcaha maanta ah si rasmi ah ugu magacaabay hoggaamiyaha Xisbiga Labor-ka Keir Starmer ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain.

    Sawirro laga sii daayey qasriga Buckingham Palace ayaa muujiyey Starmer oo gacan qaaday Boqorka, kadib markii xisbigiisa ay guul aqlabiyad xooggan leh ka gaareen doorashooyinkii dhacay Khamiistii.

    Boqorka ayaa goor sii horeysay aqbaly is-casilaadda hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka ra’iisul wasaare Rishi Sunak.

    “Boqorku waxa uu maanta qaabilay mudane xildhibaan Sir Keir Starmer, wuxuuna ka codsaday in uu dowlad cusub soo dhiso,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay qasriga.

    “Sir Keir wuu aqbalay soo jeedinta boqorka, wuxuuna dhunkaday gacmahiisa kadib markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha iyo Sayidka Koowaad ee Maaliyadda.”

    Keir Starmer ayaa Jimcihii balan qaaday in xukuumadiisa Labour-ka ay laga billaabo maalinta koowaad ka shaqeyn doonaan dib u cusboonaysiinta qaranka, isaga oo xafiiska 10 Downing Streat ka hor jeediyey khudbaddii ugu horaysay ee isaga oo ra’iisal wasaare ah.

    “Shaqada isbedelka si degdeg ah ayey u billaabmaysa. Laakiin shaki ha ka qabin, waxaan dib u dhisi doonnaa Britain,” ayuu yiri, ka dib markii Labour-ka uu soo afjaray 14 sano oo xukunkii Conservative-ka.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.