Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xisbullaah oo yeelatay Hogaamiye cusub oo badali doona Nasrullaah
    Somalia

    Xisbullaah oo yeelatay Hogaamiye cusub oo badali doona Nasrullaah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 29, 2024Updated:October 29, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xisbullah ee Lubnaan,ayaa Maanta dooratay hoggaamiye,kaasoo ah ku-xigeenkii kooxda Naciim Qasim.

    Racism,ayaa beddeli doona Xassan Nasrallah ka dib markii uu ku dhintay duqayn ay Israa’iil ka gaysatay Koonfurta Beyrut bishii hore.

    “Golaha Shuurada ee maamula Xisbullah waxay isku raaceen in ay u doortaan…Shiikh Naciim Qasim in uu noqdo xoghayaha guud ee Xissbullah,” ayey kooxdu shaacisay.

    Qassem waxaa doortay Golaha Shuurada oo ka kooban Shan Xubnood, waana Golaha ugu muhiimsan ee gaara go’aanada kooxda,Laba Maalmood ka hor.

    Qasim, oo xubin ka ah Golaha Shuurada ee kooxda, waxa uu muddo dheer ka hoos shaqaynayey Nasrallah.

    Haashim Safiddin oo ahaa Madaxa Golaha fulinta ee Xisbullaah,ayaa markii hore loo saadaalinayay in uu bedeli doono Nasrallah,balse,waxaa isagana lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka gaysatay duleedka koonfureed ee Beyrut wax yar ka dib dilkii Nasrallah.

    Qasim, oo 71 jir ah, waxa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Xisbullaah Sannadkii 1982-kii, waxaana uu ahaa ku xigeenka xoghayaha guud ee Xisbiga tan iyo Sannadkii 1991-kii.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.