Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»CC Sharmaake, Gaas, Deni, Madoobe iyo siyaasiyiin kale oo kulamay (Sawirro)
    Somalia

    CC Sharmaake, Gaas, Deni, Madoobe iyo siyaasiyiin kale oo kulamay (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 29, 2020Updated:January 29, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya ee kasoo hor-jeeda hab-dhaqanka Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

    Saamileydan oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, Ra’iisulwasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo C/weli Gaas, ayaa caawa kasoo muuqday munaasabad lagu qabtay Nairobi.

    Ilo-wareedyo ayaa inoo sheegay in siyaasiyiin ay kamid yihiin Cumar C/rashiid & Dr. C/weli Gaas, oo ah musharixiin doorashada 2021-ka, ay hor-kacayaan kulamadan, sidoo kalena ay Nairobi kulamo kula lee yihiin Safiiradda Beesha Caalamka.

    Marka la qiimeeyo xaaladda Somaliya & xilliga ka harsan muddada Doorashada 2021, waxaa muuqata In aan laga fursanayn In la abuuro qaab wadashaqayn ku dhisan oo loo dhan yahay si looga faagto khilaaf siyaasadeed oo la xariira Doorashada.

    Sida aannu xogta ku helayno, waxaa suuragal ah in la abuuro Madal Wadareed loo dhan yahay oo lagu gaaro doorashada.

    Isku soo wada duuboo Natrobi, waxaa ka socda kubad siyaasadeed hadaadan qayb ka ahayn aad noqon doonto kan lagu maqan yahay.

    Jibriil Qoobey

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.