Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Maxaa kasoo baxay wada-hadal dhex-maray MD Farmaajo iyo Sheekh Shariif ?
    Somalia

    XOG: Maxaa kasoo baxay wada-hadal dhex-maray MD Farmaajo iyo Sheekh Shariif ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 31, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wada-hadalo Khadka Taleefanka ah ayaa xalay dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii Hore ee DKMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay loo doortay Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

    Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo la soo xiriiray Sheekh Shariif, kana dalbaday in si gaar ah u kulmaan, hase ahaatee Shariifka ayaa u sheegay in shalay wixii ka horeeyay uu ahaa shaqsi, balse haatan uu hoggaamiyo Madasha Xisbiyada, isla markaana haddii ay kulmayaan ay tahay in Madasha Hoggaankeeda inay qeyb ka ahaadaan kulanka, waxaana la sheegay in Madaxweynuhu ku yiri inuu ka soo fiirsanayo.

    Todobaad ka hor ayay aheyd markii kulan qarsoodi ah uu Muqdisho ku dhex maray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo Xubno ka tirsan Xisbiga UPD, kuwaas oo ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin Doorashada iyo inay Dowladda Madaxweyne Farmaajo kala shaqeeyaan muddo kordhin, taas bedelkeedna ay wada dhistaan Xukuumad wadaag ah.

    Xildhibaan C/fataax Daahir Ismaaciil oo ka tirsan Xisbiga UPD ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray waxaa uu ku sheegay in Xubno muhiim ah oo ka tirsan Xisbiga UPD ay kulan qarsoodi ah la yeesheen Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha NISA, loona soo jeediyay in Xukuumadda lala wadaago, lagalana shaqeeyo in waqti loogu daro Madaxweyne Farmaajo, sida uu yiri Mr C/fataax.

    Dadka odorasa arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in arrimahan soo kordhay ee isbaheysiga Madasha Xisbiyada ee Mucaaradka ah uu  culeys weyn ku yahay dowladda Federaalka, waxaana muuqata isku-day dowladdu ku dooneyso inay ku dhex gasho Xisbiyada qaar oo ay wada hadalo hoose la furto.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.