Madaxweyne Cirro,wuxuu udhoofay Qatar oo uu ka helay casuumad rasmi ah sida Madaxtooyada SL ay sheegtay.
Wararka hoose ee laga helayo,waa iska hor imaanayaan oo waa kala duwan yihiin….
- Xog,ayaa sheegaysa in ay wada og yihiin Qatar iyo Imaaraadka oo uu ku salaysan yahay xiriirka Israa’iil iyo Dowlada reer Falastiin ee dhawaan la dhisayo.
- Xog,ayaa sheegaysa in Turkiga iyo Qatar ay wataan oo uu ku salaysan yahay dib ubilaabida wadahadaladii DFS iyo Somaliland.
- Xog,ayaa sheegaysa in ay kasoo shaqeeyeen Jaaliyada reer SL ee Qatar oo kaliya uu yahay dadaal iyo galaangal Jaaliyadu samaysay.
Dhinac walba oo uu noqdo,waxaa cad in uu yahay…..
B. Safar Cirro usamaynaya sumcad oo muujinaya dadaalka uu gelinayo kor uqaadida Diblomaasiyada SL.
T. Safar SL maqaamkeeda dibada kor usii qaadaya.
Halka fashil ee safarkan uu yeelan karo oo SL kusoo laaban kara,waa in Imaaraadku uusan ku faraxsanayn,inkastoo Qatar iyo Imaaraad meelaha qaar iskaga soo dhawaadeen.