Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Xagee lagu diyaariyay Qarixii lagu dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug ?
    Somalia

    XOG: Xagee lagu diyaariyay Qarixii lagu dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 18, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxay Qarax Ismiidaamin ah oo Axadii ka dhacay afaafka hore ee xarunta Maamulka Gobalka Mudug ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur-yare iyo 5 Ruux oo kale, ayna ka mid ahaayeen ilaaladiisii.

    Ilo-wareedyo dhanka Sirdoonka ah ayaa shabkadda Idil News u xaqiijiyay in Qaraxan Ismiidaaminta ah oo loo adeegsado Gaari NOHA ah, lagu soo diyaariyay koonfur Gobalka Mudug, gaar ahaan Degmada Xagardheere oo ah saldhiga Al-Shabaab ee Gobalka Mudug.

    Gaarigan oo uu waday Ruux naftii halige ah, ayaa sirdoonku sheegeen in Abaaro 8:00 subaxnimo uu soo galay koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo Maamulka Galmudug, isagoona ku sugnaa illaa 10:30 barqonimo, oo uu uga soo gudbay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

    Xogaha Sirdoonka ayaa intaas ku daraya in bartilmaameedka Qaruxu uu ahaa labo dhinac, kuwaas oo kala ahaa Guddoomiyaha iyo in hadii la ogaado lala beegsado goob walba oo Shacabka badan ku sugan yihiin oo ku taalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

    Sidoo kale, Xogaha sirdoonka Puntland ayaa tibaaxaya in saacado kaddib Qaraxa gacanta lagu dhigay rag kamid Argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo maalmo ka hor kusoo laabtay Magaalada kana yimid Koonfurta Soomaaliya, lana aaminsan yahay inay hagayeen Qaraxan Ismiidaaminta.

    Qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug ayaa xoguhu sheegayaan in uusan aheyn mid ku kooban Maskaxda Al-Shabaab oo kaliya, balse abaabulkiisa ay qeyb ka ahaayeen Xoogaga Siyaasadda ay ku hardamayaan Puntland iyo Dalal shisheeye, kuwaas oo caadeymo muujinaya ay gacanta ku dhigeen Sirdoonka Puntland.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa niyad jab ku aadan galaan-galkoodii Gobalka Mudug, tan iyo wixii ka dambeyay bishii May ee sanadkii 2019-kii, xiligaas oo ay bilowdeen Howlgallo Sirdoon oo Puntland ka fulisay Degaano kamid koonfurta Soomaaliya iyo Gobalka Mudug, waxaana Al-Shabaab dhabarjab weyn kala kulmeen burbur ku yimid heshiisyo ay horey ay ula galeen beelo kamid ah kuwa dega Waqooyiga Gobalka Mudug, kaddib markii Madaxweyne Deni uu tagay Gobalka oo xaaladiisu cakirneed.

    Al-Shabaab ayaa intaas wixii ka dambeeyay Dagaalyahanadeeda kala baxaysay Magaalada Gaalkacyo, waxaana xaaladu ku sii cuslaatay kaddib markii Isbedel lagu sameeyay Hoggaanka Amniga Gobalka iyo Ciidamo dheeraad oo Puntland geysay magaalada, taas oo kaliftay in fashilo ku yimid Weeraro ay qorsheynaysay Kooxda, iyadoona xabsiyadda loo taxaabay xubno la sheegay inay gacan saar la lee yihiin iyo dhowr maleeshiyaad ah oo kaga sugnaa magaalada Gaalkacyo

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.